musharraxiinta-100x75

Musharraxiinta Mudullood Oo Labo Qodob Ku Heshiiyey

Kulan ay yeesheen qaar kamid ah musharraxiinta Madaxweyne ee kasoo jeeda beesha Mudullood ayaa ku heshiiyey Labo qodob oo ku aadan arrimaha doorashooyinka.

Musharrax Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Musharrax Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Musharax C/qaadir Cosoble ayaa falanqeeyay sida Mudullood mar kale ku heli lahayd xilka madaxweyne maadaama maalmahan ay socorey olole mudullood xilkaasi loogu diidan yahay.

Waxay isku fahneen in dhan walbo ay iska taageeraan, islamarkaana la gacan siiyo hadba musharraxa ugu codka badan.

In Shaqsi walbo oo u sharaxan mudullood noqdaa mid ahmiya gaar ah leh, islamarkaana ku xiran musharraxiinta kale, marka laga reebo Xasan Sheekh.

Maalmahan waxaa magaalada Muqdisho ka socdey olole loogu magac daray NO MUDULLOOD oo la doonayo in musharraxiinta beeshaasi meesha looga saaro waxaana wada siyaasiyiin badan oo Beelaha Hawiye iyo Daarood kasoo jeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*