muqdisho-1

Muqdisho: Jidkaad Marto Oo Lagaa Horkeenayo Dhagxaan Iyo Baangado (Sabab)

Jawi ahaan magaalada Muqdisho aad bay maanta uga duwan tahay maalmihii hore, waxaana maanta magaalada ka socda mudaaharaad ay dhigayaan darwallada gaadiidka dadweynaha.
Warar soo baxay waxay sheegayaan in shirkadda Caymiska Takaful oo kaashaneysa dowladda Soomaaliya ay billowday in lacag qasab ah kusoo rogto gaadiidka.
Guud ahaan gaadiidleyda Muqdisho ayaa arrintaasi aad uga carroodey, waxaana ay billaabeen iney dibadbaxaan, islamarkaana maanta aanu jirin wax gaadiid ah.
Gaadiidka kale ee gaarka loo leeyahay ayaa loo diidayaa iney maraan waddooyinka Muqdisho, waxaana ay dhagxeynayaan gaadiidka, sidoo kale Baangado waaweyn ayeey wataan darwalladaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*