hh-2-768x512

Meydka Dagaal-yahan ka tirsan Al-Shabaab oo lagu arkay Deegaanka…

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegaan in Kooxda Al-Shabaab ay qabsadeen duleedka ka Deegaanka Muuri ee gobolkaasi.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa deegaankaasi qabsaday ka gadaal markii ay weerareen Deegaanka Muuri oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka.

Inta la xaqiijiyey hal askari ayaa ku dhaawacmay oo ka tirsan Ciidamada Dowlada iyadoo uu geeri yooday Mid ka mid ah dagaal yahanada Kooxda Al-Shabaab kaas oo meydkiisa looga tagay goobta dagaalka uu ka dhacay.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay soo sheegayaan in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta culus iyo mida fudud ee leysku adeegsanayo taa oo u dhaxeysa Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowlada.

waxaa jira dhinaca kale dad rayid ah oo qasaaro uu ka soo gaaray dagaalkaasi kuwaas oo ay wax yeeleysa Rasaasta laba dhinac ay is weydaarsanayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*