marka-342x198-170x114

Meydadka dalxiisayaal ajaaniib ah oo laga helay xeebaha magaalada Marko

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in meydadka dad ajaaniib ah laga helay xeebta deegaanka Gendershe oo dhanka bari kaga beegan magaalada Marko.

Dadka meydadka ah ee laga xelay xeebta deegaanka Gandarshe ayaa loo malaynayaa inay kasoo jeedaan wadamada reer Galbeedka, waxaana jirkooda ka muuqday dhaawacyo loo malaynayo inay sababeen sabeynta biyaha.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa baahisay in meydadka ay ahaayeen qof dumar ah iyo ruux rag ah oo ajnabi ah, waxaana loo malaynayaa inay ahaayeen dalxiisayaal ajaaniib ah.

Meydka haweeneyda ayaa laga helay dahab aad u badan, sida katiinado, faraantiyo iyo noocyo kale oo dahab ah, sida dadka deegaanka warbaahinta ay u sheegeen.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in meydadka labada ruux ee cadaanka ahaa lagu aasay meel aan sidaa kaga fogeyn deegaanka Gendershe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Labada ruux ee meydkooda laga helay xeebaha duleedka magaalada Marko ayaa waxay wateen dharka caanka ku yihiin dalxiisayaasha reer Galbeedka.

Ma cadda labadaasi ruux ee ajaaniibta ah wadamada ay u dhasheen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*