Maxaad ka ogtahay siduu yahay xiriirka Imaaradka & Somalia?+Jawaabta Xasan Sheikh..

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka jawaabay hadal maalmihii u danbeeyay la isla dhexmarayay oo ku aadan halka uu ku danbeeyay xiriirka Somalia iyo Imaaradka carabta.

Wuxuu sheegay Xasan Sheikh in hadal dayaacad iyo been abuur ay yihiin waxa la isla dhexmarayo ee ku aadan inuu xumaaday xiriirka Labada Dowladood,balse wuxuu cadeeyay inuu meel wanaagsan uu marayo.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Imaaraadka carabta 20-kii sano ee u danbeysay caawinayeen Ummadda iyo Dowladda Somalia.mana jiro wax mad madow ah oo hada soo kala dhex galay.

Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo sidoo kale Imaaraadka ayuu ku tilmaamay in uu yahay mid soo jireen ah , islamarkaana sii jiri doona.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli Maalmihii lasoo dhaafay ay jireen warar sheegaya in uu xumaaday xiriirka ka dhaxeeya hoggaanka dalka iyo sidoo kale dowladda Imaaraadka carabta.

hassan_uae2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*