bosaso-qarax2

Maxaa ka socda Magaalada Boosaaso oo aadan ogeyn?

Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in howlgallo xoogan ay ka socdeen qeybo ka mid ah Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Howlgalladan ayaa lagu micneeyay soo qabashada Raggii ka dambeeyay weerarkii lagu khaarajiyay Agaasimaha Madaxtooyadda Boosaaso, Aadan Gaas Haruuze.

Saraakiisha Booliska ee Maamulka Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in tiro dad ah ay u soo qab qabteen howlgalladaasi.

Weli ma cadda hadii gacanta lagu soo dhigay Dableydii ka dambeysay weerarkaasi Xalay ka dhacay Boosaaso.

Ugu dambeyn weerarkii lagu khaarajiyay Agaasimaha ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Ururka Al Shabaab

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*