t

Masar oo shaacisay Arin ay ka caroodaan Madaxda Al-Shabaab

Dawladda Masar ayaa cambaaraysay qaraxii gaariga loo adeegsaday oo dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay shalay magaalada Muqdisho, sidaasna waxaa lagu sheegay war ay soo saartay Wasaarada Arrimaha Dibada ee dalka Masar.

Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibada Dawlada Masar oo lagu magacaabo Ahmed Abu Zeid ayaa sheegay in si xoogan ay u taageersantahay dawlada iyo dadka Somaliyeed dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab kuwaas oo bartilmaameedsanaya nabada iyo xasiloonida iyo sidii dib loogu dhisi lahaa hay’adaha dawliga ah ee dalka.

Ayadoo wax yar ay ka dhimantahay doorashada madaxtinimada Somalia ayaa Al shabaab waxaa mudooyinkii dambe ay kordhiyeen weerarada ay kawadaan gudaha Somaliya,waxaana sidoo kale ay horay u sheegeen in ay ku dadaalidoonaan sidii ay u carqaladayn lahaayeen doorashada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*