okok

Maraykanka Ayaa baaraya qoraal uu soo dhigay Facebook ardaygii weeraray Jaamacada Ohio

irdoonka Maraykanka ayaa baaraya qoraal uu soo dhigay Facebook ardaygii Soomaaliga ahaa ee weeraray Jaamacada uu wax ka baran jirey ee Ohio ayna ku dhaawcmeen 11 ruux.

Ardaygan Cabdqani Cartan oo ahaa 18 jir ayaa mid kamid ah ciidamada ilaalada ka ah Jaamacada uu toogasho ku diley.

Mid kamid ah mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay in qoraal uu soo dhigay Facebook Cartan kahor inta uusan weerarka geysan uu ku sheegay in dadka Muslimiinta ah aan si wanaagsan lagula dhaqmin dalka Maraykanka.

ABC News ayaa daabacday in qoraalka uu qof magaca Cartan leh uu soo dhigay Facebook uu ahaa qornaa sidan;”Aad ayay ii dhibtay inaan marwalba arko walaalahayga Muslimiinta ah oo lagu dilayo laguna ciqaabayo meel walba, umana sii dulqaadan karo.”

Hay’adaha amniga dalka Maraykanka ayaa waxaa la sheegayaa in ay baaritaan ku sameynayaan dhammaan macluumaadka laga heli karayo Cartan taasoo ah in uu xiriir la lahaa wax ururo diimeed ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*