qaxoti

Maamulka Jubbaland oo fasaxay qaxootigii ku xayirnaa deegaanka Dhoobley

Maamul goboleedka Jubbaland-Soomaaliya ayaa u fasaxay qaxootigii ku xayirnaa deegaanka Dhoobley in ay soo galaan deegaanada Jubbooyinka, kuwaasi oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku xayirnaa deegaanka Dhoobley ee gobbolka Jubada Hoose.

Jubbaland ayaa xanibtay qaxootigaasi, iyadoo ku doodeysa in hay’adaha caalamiga ah aysan wax dib u dejin ah u diyaarin qaxootiga oo qeyb ka ah qaxootiga xerada Dhadhaab ee dib ugu soo noqonaya Soomaaliya .

Wasiirka arrimaha gudaha Jubbalanad Jeneralaa Maxamad Warsame Darwiish ayaa sheegay in go’aanka cusub uu yimid kadib markii wadahadlo aynu la yeelanay mas’uuliyiin ka socotay hay’adda UNHCR oo tagay magalada Kismaayo.

Waxaa lagu wadaa qaxootigaasi marka ay soo gaaraan deegaanada ay maamusho Jubbaland in dib u dejin loo sameeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*