xasan-iyo-faarax

Ma Sax Baa In Faarax Sheekh C/qaadir Uu Kahor Yimid M/Xasan Sheekh?

Waxaa maalmahan dambe soo baxayey warar sheegayey in Faarax Sheekh C/qaadir uu kahor yimid Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana uu taageerayo musharraxiin kale oo Damul Jadiid ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo kuna sugan Villa Soomaaliya ayaa soo tabisey in Xasan iyo Faarax ay hadda dib isku fahmeen, islamarkaana meesha laga saarey wax walbo oo mugdi keeni kara.

Xasan Sheekh iyo Faarax ayaa hadda waxay yihiin kuwo heshiis ah, waxaana ay ka tashanayaan aayaha ku aadan sidii mar kale Xasan u imaan lahaa Villa Soomaaliya.

Xogta waxay sidoo kale sheegeysaa in Faarax uu doonayo in markaan xoogga saaro sidii xildhibaannada aan ahayn Damul Jadiid ay codka usiin lahaayeen Xasan Sheekh Maxamuud.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa jiray warar sheegayey in Xasan Sheekh iyo sidoo kale Faarax uu soo kala dhexgalay khilaaf xooggan oo sababay iney Labada mas’uul kala tagaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*