GettyImages-492022448.0

Laacibkii Realmadrid Moratta oo dhaawac soo gaaray iyo Jamaahiirta oo welwelsan

Dhakhtarka xulka qaranka Spain ayaa qalbiga u dejiyay jamaahiirta Real Madrid ee ka walwalsanayd dhaawicii xalay soo gaadhay Alvaro Morata wuxuuna sheegay in aanu ahayn dhaawac laga walwalo. Morata ayaa dhaawac looga saaray kulankii Brussels ku dhex maray Spain iyo Belgium wuxuuna dhaawiciisu walwal badan ku hayay Real Madrid oo ay dhaawac kaga maqan yihiinCristiano Ronaldo iyo Karim Benzema.

dhakhrarka xulka qaranka Spain ayaa sheegay in Morata uu muddo ka maqnaan karo garoomada balse hadda waxaa loo sheegay in dhaawaca Morata uu ahaa jug kaliya isla markaana ayna jirin halis badan oo soo gaadhay.

 

Morata ayaa markii uu dhaawacu soo gaadhay lagu soo badalay Diego Costa laakiin baadhitaan maanta Alvaro Morata looga sameeyay cisbitaalka  Sanitas La Moraleja ayaa lagu ogaaday in aanu qabin dhaawac halis ah, waxaana suurtogal ah in uu diyaar u noqdo kulanka isreeb reebka koobka aduunka ee ay Spain la ciyaari doonto xulka qaranka Liechtenstein. Morata ayaa sidoo kale diyaar u noqon doona kulanka Real Madrid ay la ciyaari doonto kooxda Osasuna. Monday evening.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*