capture

LA OGAADAY: madaxda madaxtooyada oo danbi lagu heyto & Hantidii qaran oo..

Madaxweynaha waqtigiisa idlaaday Xasan Sheikh Maxamuud ayaa wax badan lagu eedeeyay boobka iyo ku takri falka hantida Qaranka uu dano gaar ah u isticmaalayo.

Sheikh Shariif Sheikh Axmed madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh in mudada uu xilka hayay uu cunaqateyn geliyay Shacabka Soomaaliyeed,islamarkaana uu ku takri falay hantidii Qaranka.

Wuxuu sheegay in madaxtooyada Soomaaliya hantida Qaranka u isticmaaleyso dano shaqsiyadeed gaar ahaan lagu galayo arimaha doorashooyinka.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dhawaan hakiyay howlihii madaxtooyada,isagoo kala dan lahaa iney soo bateen eedeynta Villa Somalia ee ku aadan in howsha Qaranka si kale loo isticmaalo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif ayaa sheegay in dhaqaalaha,maamulka iyo hormarkaba meel hoose dalka ka joogaan,loona baahan yahay in isbedel hogaamineed uu dhaco si meesha uga baxdo xukunka hada jira.

Ugu danbeyntii,Dowladda Xasan Sheikh ayuu ku tilmaamay mid fashilantay afartii sano ee la soo dhaafay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*