capture

Kulan Xasaasi ah oo dhexmaray Odayaasha S/land & Guddiga khilaafaadka

Guddiga xalinta Khilaafaadka doorashooyinka dadban ayaa kulan la yeeshay Odayaasha Dhaqan ee ka soo jeeda deegaanada Waqooyi.

Kulanka ayaa muhiimadiisa lagu sheegay iney tahay xalinta kuraasta Baarlamaanka qaar oo muran adag uu ka taagan yahay.

Guddiga Xalinta Khilaafka ayaa sheegay in Odayaasha maamulka Somaliland ay kala hadleen muranka ka jira  doorashada xildhibaanada ka imaanaya degaanada maamulka Somaliland.

Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee degaanada maamulka Somaliland ayaa  wali ka socota Magaalada Muqdisho.

Kuraasta qaar oo lagu doortay magaalada Muqdisho ayay guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban dib u celiyeen,iyagoo ku tilmaamay jn sifo sharci ahayn ku soo baxeyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*