koox

Kooxda Kubada Cagta ee Manchester United ayaa kusoo biirtay hardanka logu jiro Diego Godin.

United-ka ayaa dagaal adag kala kulmi doonta Kooxaha Magaalada London ee Arsenal iyo Chelsea ku waas oo sidoo kale qayb ka ah xiisaha adeega Cayaariyahan Godin.
Sida ay ogaatay Jariirada Sunday People, Kooxda ku Ciyaarta garoonka Old Trafford ayaa sidoo kale wadahadalo kula Jirta daafaca dhexe ee Kooxda Southampton United Jose Fonte, kaasi oo la heli karo dhamaadka xagaagan.
Manchester United ayaa hada haysata Xiddigaha kala ah Eric Bailly iyo Phil Jones ku waas oo ka Ciyaara qalbada dhexe ee garoonka, hase ahaatee hogaamiyaha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa rumaysan in Kooxdiisa ay mid heli karto xiddigaha kala ah Jose Fonte ama Diego Godin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*