20161214636172766873557243rsz_islamicstateafrica_1

Kooxda Daacish oo looga awood roonaaday Geeska Afrika (AKHRISO)

Warbixin cusub oo laga qoray Kooxda Daacish ayaa lagu xusay in Ururka looga awood roonaaday Geeska Afrika.

Xoogaga Ururkan oo markii hore ka go’ay Xarakada Al Shabaab ayaa waxey ka aas aasmeen Degaanada Maamulka Puntland.

Si ay u muujiyaan awoodooda ayaa Ururkaan waxey la wareegeen Degmada Qandala ee Gobolka Bari, halkaasi oo in muddo ah ay ku sugnaayeen.

Balse militariga Maamulka Puntland ayaa howlgallo qaatay maalmo kadib waxey ku guuleysteen in ay dib u qabsadaan Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Warbixintan ayaa lagu muujiyay dhaqaalo xumi ay sababtay Ururka laga awood roonaado.

Ugu dambeyn, warbixintan ayaa lagu cadeeyay in maleeshiyaadka ku sugan Degaanada Maamulka Puntland aysan wax dhaqaalo ah ka helin Ururka Daacish balase magaca un ay wadaagaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*