marka-cadeey-664x400

Koox hubeysan oo Marka ku dilay Gudoomiye ku xigeenkii Magaalada

Koox Hubeysan ayaa Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ku dishay Guddoomiye Kuxigeenkii Magaalada Marka Xuseen Maxamed sida ay noo Xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Marka.

Xuseen Maxamed ayaa la sheegay in ay Dileen Rag Bastoolado watay,kuwaas oo dilka ka dib Goobta iskaga baxsaday.

Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ka dhaca Dilal Qorsheysan oo loo geysto Mas;uuliyiin iyo Dad rayid ah intaba.

Sidoo kale Magaalada Waxaa ka dhaca Dilal ku saleysan Aano Qabiil,waxaana Magaalada Joogitaankeeda u badan Maleeshiyaad,iyadoo ay Adag tahay in Maamulku uu wax ka qabto Amni darada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*