dd

Jesse Lingard oo ka hayaamayo kooxda Man United, Maxeey tahay sababta.

Weeraryahanka kooxda Man United Jesse Lingard ayaan diidan  inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man United, waxana uu doonayaa inuu maro wadadii Welbeck oo uu isaga tago United.

23 sano jirkaan ayaa loo soo bandhigay heshii shan sano ah oo uu isbuucoo Old Trafford uga qaadanayo £60,000, waxayna la micno tahay in qandaraaskiisa loo labo jibaari doono.

Laakiin Mirror ayaa daaha ka qaaday in Lingaard raadinayo wadadii uu uga bixi lahaa Old Trafford, ama taas badelkeeda booskiisa loo balan qaado si uu horumaro u sameeyo.

Lingard ayaa ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii kooxda Mourinho barbaraha 1:1 kala kulmeen kooxda Everton shalay, labo gool ayuu dhaliyey halka labo kale caawin ka gaystay 11 kulan oo uu xilli ciyaareedkaan ka qayb qaatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*