jeesoow

JEESOOW” gaarigii aan watay qaraxa ayuu ku gubtay, halkaa waxaa isaga tagay aniga oo gaari la’aan ah

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee ka mid ahaa mas’uuliyiintii dowladda ee maalintii shalay wax yeellada ka soo gaartay qaraxii lagu weeraray hotelka SYL, ayaa sheegay in gaariga qaraxa geysta la rasaaseeynayay ku dhawaad 15 oo xiriir ah.

Waxaa uu sheegay in waqtiga uu qaraxa dhacay uu ka soo baxay isaga iyo labo ilaaladiisa ah oo la soctay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya, isaga oo sheegay in gaargiii uu watay uu halkaa ku gubtay, halka ilaaladiisana ay dhaawacmeen, taasoo sababtay ayuu yiri in uu goobta isaga tago isaga oo gaari iyo IStaaf la’aan ah.

Waxaa uu qiray in ciidammada nabad-galyada dadaal badan muujiyeen, ” Gaariga waxaa rasaasta looga soo bilaabay Oto Oto gadaasheeda, waxaana rasaaas huwiyay ciidammo ka tirsan dowladda oo muddo 15 daqiiqo ah rasaasta ku wadday, laakiin qof doonaya in uu naftiisa gooyo cidna ma celin karto”’ayuu yiri xildhibaan Jeesoow.

Qaraxii shalay ayaa ahaa mid ka mid ah qaraxyadii ugu cuslaa ee soo mara magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana ku dhintay dad tiradoodu gaareyso ilaa 30 ruux, halka in ka badan 70 ruuxna ku dhaawacmeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*