capture

Haweeney Xildhibaan oo Muqdisho Timid oo si lama filaan u hadashay..

Xildhibaan Canab Xasan Cilmi oo ka mid ah Xildhibaanadii dhawaan lagu doortay Magaalada Garoowe oo ku soo laabatay Muqdisho ayaa ka hadashay dareenkeeda iyo sida ay guusha ku gaartay.

Waxa ay sheegtay in ay muhiim u ahayd in Xilligaan la doorto maadaama sida ay sheegtay ay ahayd qof u hadasha hooyooyinka dhibaateysan.

Sidoo kale Xildhibaan Canab Xasan Cilmi ayaa sheegtay in ay ku dadaaleyso iney wax badan u qabato Haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan Haweenka Gobolka Banaadir.

Xildhibaanada ayaa balan qaatay in si gaar ah isha ugu heyn doonto Haweenka oo ay kursiga ku mateleyso,waxayna carabka ku adkeysay iney ku dadaali doonto waxqabadka Gabdhaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*