amisom-in-somalia

Halis Kusoo Wajahan Ciidamada AMISOM Ee Soomaaliya Kadib Markii…

Waxaa xilligaan laga baqayaa in xaalad halis ay soo wajahdo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, maadaama laga yaabo in dowladda Burundi ay ciidankeeda kala baxdo dalka.

Burundi Madaxweynaheeda ayaa sheegay in ciidankiisa la baxayo, waxayna middaasi halis aad iyo aad u weyn ku tahay ciidamada AMISOM, waayo ciianka Burundi waa kuwa ugu adag ee AMISOM.

Ciidamada Burundi ayaa la geeyaa meelaha ugu halista badan, waa kuwo dagaalka u gala qaabka Soomaalida, waana kuwo laf dhabar u ah ciidamada AMISOM.

In ciidankaan dalka laga bixiyo waxaa horseed u ah mushaar aysan ciidamadan muddo badan qaadan, waxaana laga yaabaa bilaha soo aadan in dalka laga saaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*