Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo oo maanta xiran iyo Puntilnad oo Ciidamo badan soo dhoobtay Garoonka Gaalkacyo

1Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta Garoonka Diyaardaha Magaaladaasi aysan kasoo dagin Diyaaradaha Rakaabka ah ee Maalin walbo kasoo dagi jiray Garoonkaasi.

Wariye kusugan Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in maanta hakad uu ku jirto shaqooyinka maalin lahaa ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde , waxa uuna intaa raaciyay in garoonka saakay ay kasoo dagtay kaliya Diyaarada Qaadka keenta Magaaladaasi.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo iyo maamulada Galmudug iyo Puntiland oo wada adeegsada garoonkaasi , waxaana jira xiisado laga soo sheegayo Magaaladaasi u dhaxeeya labada Maalin.

Dhinaca Kale Wararka ka imaanaya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee maamusho Puntiland ayaa sheegaya in Ciidamo tiro badan maamulkaasi ay soo dhoobeen garoonka Diyaaradaha si ay u xoojiyaan ciidamadii horey u joogay.

Saraakiisha maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadan ay xaqiijin doonaan amaanka magaalada Gaalkacyo iyo garoonkeeda dayuuradaha, ujeedada halkaas loo geeyeyna aysan aheyn colaad iyo duulaan.

Ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayey wararku sheegayaan iney xalay gaaf wareegayeen xaafada Horumar ee kala qeybisa woqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo iyagoo dadka ku amrayey iney guryaha galaan.

Talaabadan ayaa ku soo soo aadeysa xili labada maamul ee Puntland iyo Galmudug uu soo kala dhex galay khilaaf ku saabsan garoon dayuuradeed oo Galmudug ay ka sameystay degaano koonfur ka xiga Gaalkacyo, kaasoo ay hawada ka xirtay Puntland.

Waxaana Caawa ku eg Waqti uu Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale u qabtay Maamulka Puntiland in ay xayiraada uga qaado Garoonka Diyaaradeed ay ka furteen Gaalkacyo, lamana saadaalin karo xiisada cusub ee u dhaxeysa Puntiland iyo Galmudug halka ay ku biyo shuban doonto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*