Gaalkacyo oo Maanta markale dagaal ka dhacay

Xaaladda Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo Maanta uu ka dhacay Dagaal u dhexeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa hadda yara degen,waxaana Mararka qaar la Maqlayaa Rasaas Goos Goos ah.

Dagaalka Maanta ayaa waxaa Berber socday Duqeyn Labada Dhinac ay is weydaarsanayeen,waxaana Madaafiicda ay isku ridayeen Labada Dhinac ay ku dhaceen Goobo ka baxsan Aagga uu dagaalku ka socdo.

Goobjoogeyaal ku sugan Magaalada ayaa noo sheegay in Madaafiicdu ay ku dhacday Goobo Ganacsi oo ku yaalla Koofurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Khasaaraha dagaalka Maanta illaa hadda lama oga Inta uu dhan yahay.

Sargaal ka tirsan galmudug ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Puntland Saaka ay Weerar ku soo qaadeen Galmudug islamarkaana ay iska Caabiyeen.

Dhanka Kale Puntland Xariir aan la sameynay Saraakiishooda kama hadlin Dagaalka Maanta  Magaalada ka dhacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*