capture

FALANQEYN: Rajo beel ka muuqda wada shaqeynta Aqalada Sare iyo Hoose

Madasha Hoggaanka Qaran ayaa war saxaafadeed xalay ka soo baxay ayaa waxay dib u dhigeen magacaabista 18-kii xubnood ee ay ku kordhiyeen Aqalka sare 24-kii bishan,

Arinkaan ayaa u eg in Doorashadu Gashay jawareer iyo Muran cusub

Waxaa xildhibaanada la dhaariy iyadoo xubnaha madasha intooda badan meesha ka maqan tahay Gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh arinkaa oo ah Fadeexad siyaasadeed oo ku dhacdey xubnaha Madasha Qaran.

Waxaa kaloo wali la soo dhamays tirin Xildhibaanada Golayaasha sare iyo Hoose.

Madaxda Madasha ayaa dib u dhigay 18-ka xubnood inta ay ka dhamaaneyso doorashada Madaxweynaha, Go’aankan ayaan lagaraneen waxay ka wadaan iyo waxa ku qasbay inay ku daraan 18 xubnood Golaha sare.

Akhri sida uu u sharaxay Axdiga Dastuurka KMG ah dhismaha Aqalka sare, halkan waxaa kaaga cad sida ay xubnaha madasha Qaran u jabisay dhawr jeer Dastuurka, Su, aasho waxay Tahay waqtigaa ay dhawr jeer jabiyeen xagee ay kumaq naayeen xubnaha Beesha caalamka iyo Saxiibadooda IGAD.

Qodobka 73aad

Tirada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka

Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxaa si toos ah, qarsoodi ah oo madaxbannaan u dooranaya shacabka Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka, tiradoodana waa ugu badnaan 54-Xildhibaan oo ka imaanaya 18kii gobol Somaliya lahayd ka hor 1991-kii, iyada oo saldhig looga dhigayo:

(a) Tirada Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka;

(b) Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalkayadu waxay Aqalka Sare ku yeelanayaan xubno tiro isle’eg ah;

(c) Tirada guud ee xubnaha Golaha Aqalka Sare waa in ay matilaad isu dheellitiran ku yeshaan dhammaan qaybaha bulshada.

Waxaa wali adag sida loo heli laahaa Aqalka Sare sida loo waafaqsiin lahaa Dastuurka KMG ah, dhismaha Aqalka sare wuxuu noqdey Caqabada Ugu weyn ee Hor taagan doorashada Madaxweynaha Isla markaasna gadaal u Ridaya Inay qabsoonto doorasho madaxweynaha.

Haddaba waxan halkan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Bandhiga Kalsan TV oo si weyn loogu falanqeeyey Arrimaha Dastuurka iyo sida ay isaga soo horjeedaan sharciga ay samaysteen xubnaha madasha Qaran, Dhibaatada Hortaala xildhibaanada cusub iyo Muranka beesha caalamku ka keentay sida ay doorashadu u dhacdey.

Waxana ka mid ah Su’aalaha ?

Maxaa keenay in Baarlamaanka la dhaariyo iyadoo aan wali la soo dhameyn?

Raja maga qabaa in la saxo Qaladaadkii musuq maasuqa ku dhisnaa?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*