222-1

Fadeexad lagu helay Madaxweyne Guuleed

Xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug oo warbaahinta lahadlayay ayaa siwadajir ah u’jeediyay dhaliilo kala duwan oo ay sheegeyn in ay ku kaceen masuulyiinta uGu sareesa maamulka Galmudug gaar’ahaan Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo kuxugeynkiisa Maxamed Xaashi Carabey.

Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in Masuulyiintaas ay musuq-maasuqeen gar-gaar loogu talagalay dadka ay abaarta saameesay ee ku dhaqan gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Khilaaf aad  u xoogan ayaa hada ka dhex taagan mas’uuliyiinta maamulka Galmudug,kuwaasi oo salka ku haya hab maamulka.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa dhawaan mas’uuliyiinta ugu sareysay ku eedeeyay iney jabiyeen qeyb ka mid ah dastuurka u yaala.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*