capture

Faah faahin Qarax xalay xalay ka dhacay Kismaayo

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax khasaare geystay oo caawa ka dhacay xerada Dalxiis oo ay degan yihiin Qoysas, sidoo kalena ay ku yaalaan goobo ganacsi.

Qaraxan ayaa la sheegay nuuciisa in uu ahaa Bambo gacmeedka gacanta laga tuuro, waxaana ku dhaawacantay 4 Qof, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka.

Korneel Xasan Kheyre Taliyaha Booliska Gobolka Jubada Hoose ee Maamulka Mubbaland ayaa warbaahinta u  sheegay bambo gacmeedkan in ay ku dhaawacmeen 4 Qof.

Durba Qaraxa markuu dhacay waxaa kala carar ku dhacay shacabkii goobta ku sugnaa,waxaana goobta soo gaaray ciidamada maamulka Jubba Land.

Saraakiisha ciidamada maamulka Jubba Land ayaa sheegay in ciidamada ay ku raadjoogaan ruuxii qaraxa tuuray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*