qarax-xarunta-gobolka-banaadir-640x360

Faah Faahin: Nin Dhagool Ah Oo Ismiidaamin Ka Fuliyey Jalalaqsi

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Ismiidaamin ah oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan..

Maxamed Cabdulle Fiidow oo ah guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa u sheegay Warbaahinta in qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Maqaayad ku taalla degmada Jalalaqsi uu ku dhintey Hal nin oo is qarxiye ah.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in shaqsiga is qarxiyey uu ahaa Dhagool Hilib ku gadi jirey degmada.

Ninkaasi markiisa hore ayuu sheegay Guddoomiyaha inuu ahaa shaqsi Caseeye ah, balse markii Dambe usoo wareegtay Hilib gadow, hadane uu is qarxiyey.

Ninka is qarxiyey ayaa la sheegay in sidoo kale uusan horey ka dhiman oo qeybaha dambe ka go’ay, Isbitaal ay geeyeen ciidankana kadib uu dhintay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*