qarax-kk

Faafaahino Dheeraad ah :Qarax Muqdisho ka Dhacay

Inkabadan  7 qof ayaa ku dhintay inta la xaqiijiyay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib Qarax maanta ka dhacay halka loo yaqaan Suuqa Beerta Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay wadada sida Goob Joogayaal ay Shabelle u xaqiijiyeen.

Warar ayaa sheegaya in inta uusan Qaraxa dhicin wadada ay u xirneed Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya  maadaama la sheegay Madaxweynaha Soomaaliya uu halkaas ka dhawaa.

Xarakada Al Shabaab ayaa Masuuliyadda Qaraxaasi dusha u ritay  kaas oo sheegeen in khasaaro ay ugu geysteen Ciidamo kuwa dowladda Federaalka ka tirsan.

Waxaa lagu soo warramaya in Gaariga qarxay lala bartilmaamsan rabay Kolonyada Madaxweynaha oo la filayay in halkaas ay soo maraan.

dsc_0059dsc_0060dsc_0061

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*