qaxooti-kenya

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay Go’aanka Kenya ee Qaxootiga ku saabsan

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay Go’aankii Dowladda Kenya ay ku Hakisay soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Xerada Dhadhaab.

Kulan ay wada qaateen Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya Joseph Nkaissery , Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey iyo Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa waxa ay kaga hadleen arrimaha Qaxootiga.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in Go’aanka Kenya ee ah in aan Qasab lagu celin doonin  Qaxootiga Soomaalida uu yahay Go’aan aad u fiican islamarkaana Dowladda Soomaaliya ay Bogaadineyso Go’aankaas.

Kenya ayaa shalay sheegtay in Mudo Lix Bilood ah ay dib u dhigtay soo Celinta Qaxootiga Soomaalida ee Wadankeeda ku nool.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*