doorashada-kismaayo

Doorashadii ugu horeysay oo maanta ka dheceysa Magaalada Muqdisho

Maanta oo Arbaco ah, ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay si rasmi ah uga dhacdo Doorashada Beelaha Banaadiriga, sida ay horay u shaaciyeen Guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka.

Sida qorshaha uu yahay waxaa lagu wadaa in la soo doorto Xildhibaano gaaraya 3 Xildhibaan oo ka mid noqon doona Baarlamaanka cusub ee dalka.

Doorashada Xubnaha Beelaha Banaadiriga, ayaa ka dhaceysa Xarunta Gaadiidka Booliska, halkaasi oo ah madasha loo diyaariyay inay ku qabsoonto Doorashadan.

Saraakiisha ammaanka Gobolka Banaadir, ayaa xalay kulan saacado badan qaatay ka yeeshay arimaha Doorashooyinka maanta dhacaayo.

Ciidamada ammaanka ayaa saaka aroor hore la dhigay wadooyinka soo galay Xarunta Gaadiidka Booliska oo ku taalo Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.

Waa Doorashadii ugu horeysay ee xubnaha ka soo jeeda Beelaha Banaadiriga loogu qabto Magaalada Muqdisho, iyadoo weli ay dhiman tahay Doorashada Xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi taasi oo ka dhaceysa Muqdisho.

Guddiga Doorashooyinka iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa kormeer ku tagi doona goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka maanta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*