capture

Dooni ku degtay Xeebta Boosaaso iyo Shaqaalo lagu la’yahay

Dooni siday shixnad Ganacsi oo ku sii jeeday magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa lagu soo waramayaa iney ku degtay meel ku dhow xeebaha Puntland.

Doonta oo ay u rarneyd ganacsato Soomaaliya ayaa ka soo ambabaxday dalka Oman,waxaana saarnaa shaqaalo gaaraya 12-ruux oo Labo ka mid ah ay ahaayeen Soomaali.

12-ka ruux ee saarnaa Doonta ayaa 7-ka mid ah ka badbaaday, waxaana lix ka mid ah ay u dhasheen dalka India halka 2-da kale ay yihiin Somali.

Doonta uu leeyahay ganacsade Soomaali oo lagu magacaabo Muqtaar Shanle ayaa ku degtay meel 12ml u jirta xeebta Boosaaso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*