meyd-2

Dhacdo naxdin & La Yaab noqotay oo Muqdisho si aad ah looga hadal hayo..

Dhacdadaan oo noqotay mid si aad ah loo hadal haya ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho ka dib markii nin lagu sheegay inuu ahaa Taksiile meydkiisa laga helay gurigiisa mudo la maalin ka dib.

Dhacdadaan oo ka dhacday degmada Waabari ee Gobolka Banaadir ayaa Ninka oo kaligii qof seexan jiray la helay meydkiisa habeenkii khamiista soo galeysay,waxayna ehelkiisa tilmaameen in labo maalin ka hor uu dhintay,balse war laga heyn.

Waxaa meydkiisa laga helay qolkiisa oo dhexda kaga xernaa ka dibna lagu jabiyay,ma jiraan wax dhaawacyo ah oo ninkani jirkiisa ka muuqday,balse tii Alle ayaa u timid.

Inkastoo geeri aysan cusbeyn ayaa hadana dadka waxaa la yaab ku noqotay meydka ninka oo mudo labo maalin ah qol ku jiray,balse la helay isagoo kala qaloocday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*