muqdisho-5

DFS Oo Arrin Naxdin Badan Ka Sameysay Muqdisho, Shacabkii Oo..

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa saakay kusoo kacay iyadoo la xirey dhammaan waddooyinkii magaalada, balse waxaa arrintaasi oo dhan uga sii darnaatey cunoqabateyn nooc cusub ah oo magaalada lagu soo rogey.

Waxaa la xirey dhammaan Jid cadayaasha waddooyinka Muqdisho, waxaana lagu jaray carro laga qodey halkaas, iyadoo bohollo aad u waaweyn laga sameeyey waddo walbo oo Muqdisho ah waliba laamiga ka baxda.

Waxaa jarmay Tubooyinkii biyaha ee dadka ka cabayeen, waxayna middaasi tahay cunoqabateyn lagu soo rogey shacabka Muqdisho ee masaakiinta ah.

Haddii maanta Hooyo fool degdeg ah kusoo booddo lagama yaabo in gaarigii u gurman halka uu mari lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*