deg-deg-5-768x409

DEG DEG: Gaari miineysan & ruuxii waday oo goordhow lagu qabtay Muqdisho..

War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in goordhow gacanta lagu dhigay gaari lagu arkay walxaha qarxa,kaasi oo marayay isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in gaariga oo ku socday si xowli ah ay joojiyeenn ciidamada amniga oo ku sugan isgoyska,baaritaan ka dibna ay ku dhex arkeen aalado loo maleynayo iney ku jiraan walxo qarxa.

Waxaana durbadiiba ciidamada gacanta ku dhigeen ruuxii waday oo hada su’aalo lagu weydiinayo Saldhiga Ciidamada nabad sugida ee Gobolka Banaadir.

Gaariga oo ahaa nuuca raaxada ayaa waxaa la wareegay Ciidamada Nabad sugida,waxaana aad loo adkeeyay amaanka Muqdisho.

Al-shabaab ayaa looga cabsi qabaa iney weeraro ka geysto Muqdisho inta lagu guda jiro doorashada,waxaana laamaha amaanka ay kordhiyeen feejignaanta ka dhan ah weerarada Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*