farmaajo

DEG DEG: Farmaajo oo ka soo degay Magaalada Muqdisho

Diyaaraddii siday Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Goordhow ka soo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda & dadweyne fara badan.

Qaban qaabada soo dhaweynta Farmaajo ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay ka socotay magaalada Muqdisho, waxaana magaalada dhex wareegayay Baroor yar yar oo uu ku sawiran Farmaajo.

Farmaajo oo saaka ka soo kicitimay Magaalada Nairobi oo uu muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.farmaajo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*