capture

DEG DEG: Ciidamada AMISOM oo la qarxiyay iyo Meydadka Shacabka oo …

Wararka laga helayo Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Qarax xoogan lagu beegsaday kolonyo ay wateen Xoogaga Nabad Ilaalada ee Midowga Afrika ee AMISOM.     Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa lagu dhuftay Gaadiidka Xoogaga AMISOM, waxaana uu Qaraxa ka dhacay Degaanka Lamabar 60 ee Gobolka Sh.Hoose.  Goobjooge ayaa waxuu sheegay in Qaraxa uu ahaa mid xoogan islamarkaana uu khasaaro burburleh uu ka soo gaaray Ciidamada AMISOM.  Waxaa sidoo kale uu qeexay in Ciidamada AMISOM ay labo Ruux oo Shacab ahaa toogasho ku Dileen kadib markii Qaraxaasi.  Meydka labada Ruux ayaa waxey yaalaan waddada, iyadoona halka uu Qaraxa ka dhacay ay guud ahaanba xireen Xoogaga AMISOM.  Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxan lagu beegsaday Ciidamada AMISOM oo ka dhacay Gobolka Sh.Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*