kuuba

Dawladda Kuuba iyo shirkadda Google oo heshiiyay

Shirkadda isgaarsiinta dawladda Kuuba ee Etecsa ayaa heshiis la gashay shirkadda Google, kaas oo saamixi doona in si dhakhso ah loo helo adeegyada ay bixiso shirkaddaasi Maraykanka laga leeyahay.

Heshiiskaas waxaa ka mid ah in shirkadda dhanka tiknoolajiyadda ee Google ay qalab gaysato Cuba si ay sare ugu qaado xawaaraha adeegyada ay bixiso kuwaas oo ay ka mid yihiin Youtube iyo Gmail.

Google iyo Etecsa ayaa gaaray heshiiskooda todobaadyadii u dambeeyay ee xilka madaxwayne Barack Obama.

Mana cadda in madaxwaynaha badalaya uu wax ka badali doono siyaasadda Maraykanka ee Kuuba ku aadan.

Madaxwayne Obama ayaa horaantii sanadkan soo celiyay xiriirkii uu Maraykanku la lahaa Kuuba in kabadan 50 sano oo ay cadaawad dhex taallay labadaasi dal.

Trump ayaa dood ka keenay tan iyo markii la doortay bishii hore.calaaqaadkaas hagaagay ee Maraykanku la yeeshay dalkaas Shuuciga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*