allggg

Dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Alshaab oo La wareegay Deegaano Hoosataga Buula Burde

Wararka laga helayo Degmada Buulo-burde ayaa shaagaya in Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay markale dib ula wareegeen Degaanka Yasooman oo hoostaga Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan ee bartamaha Dalka Soomaaliya.

Dadka Degaanka qaarkood ayaa sheegaya in Xarakada Al Shabaab ay hanteen gacan ku heynta Degaanka Yasooman kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen Degaankaasi.

Degaankan ayaa todobaadyo ka hor waxaa lagala wareegay Dagaal yahanada Xarakada Al Shabaab oo Dagaal xoogan kula jirta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xiriiro kala duwan aanu la sameenay Maamulka Degmada Buulo-burde iyo Saraakiisha Dowladda ayaa inoo suuro gelin in aan qadka taleefonka ku haleelno si aan wax badan oga ogaano wararka la xiriira dib u qabsashada Al Shabaab ee Degaanka Yasooman.

Dib ula wareegista Degaanka Yasooman ayaa imaanya maalmo un kadib markii Al Shabaab ay Weerar xoogan ku qaadeen Degaanka Halgan oo Saldhig militari ay ku leeyihiin Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*