ff-2-768x576

Dagaal culus oo ka qarxay Uganda & Dad badan oo dhintay

Wararka ka imaanaya dalka Uganda ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay Galbeedka dalkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka waxa uu ka dhacay deegaanka Kasese dhanka Galbeedk ee dalka Uganda kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada Uganda iyo maleeshiyaat beeleedyo ka amar qaata nin boqor ah.

Warbaahinta dalka Uganda ayaa baahisay in dagaalkaasi ay ku dhinteen 14 ruux oo sideed ka mid ah ay tahay askarta dowlada iyadoona inta soo hartay ay isugu jiraan maleeshiyaat beeleedka iyo dadka deegaanka.

Saraakiil u hadashay dowlada Uganda ayaa ku eedeysay ninka beelaha dega galbeedka dalkaasi boqorka u ah ee lagu magacaaba Rwenzururu, Charles inuu weerarka isaga ka dambeeyo islamarkaana uu doonayo inuu ka go’a dalka Uganda oo degmooyinka iyo deegaanada beeshiisa degto ay noqdaan dal madax banaan.

Xaalad kacsanaan ah ayaa wali ka taagan dalka Uganda waxaa suura gal ah in markale dagaalo culus ka dhacaan deegaanada Galbeed ee dalka Uganda.

Dowlada Uganda ayaa qeyb ka ah dowladaha ah ay ciidamadooda ka joogaan somalia kuwaas oo howlkalka nabad ilaalinta ku jira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*