gaas-2-2

C/wali Gaas oo si cad u diiday qorshe ay damacsan yihiin Odayaasha Dhaqanka..

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane C/wali Gaas ayaa ka soo horjeestay Beelaha Odayaasha dhaqanka ee ka diidan in Haweenka ay ku matalaan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya.

C/wali Gaas ayaa Garowe ka sheegay inuusan taageersaneyn qorshaha ay Odayaasha dhaqanka ku doonayaan iney ku haqiraan qoondada Haweenka,isagoo sheegay in uu maqlayo wararka la xiriira diidmada qoondada haweenka ee laga siiyay Baarlamaanka.

Madaxweynaha, ayaa yiri “Gabdhuhu dadkay ka mid yihiin, boqolkii konton (50%) dadka Puntland ku nool gabdho weeye, xaqoodana lama inkiri karo, ciddii isu deydana inay inkirto kama yeeleyno.”

Madaxweyne Gaas, ayaa carabka ku adkeeyay inaysan u joojin doonin diidmada ka soo yeereysa Odayaasha Dhaqanka, Puntland-na ay ku dhaqmi doonto go’aanka guddiga doorashada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*