galgala-170x114

Ciidamada badda ee Puntland oo miino kula qaraxday buuraha Galgala

Wararka ka imaanaya buuralayda Galgala ee Koonfurta Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in gaari ay saarnaayeen ciidamada Badda ee Puntland uu qaraxan haleelay waxaana ku dhaawacmay qaar ka mid ah ciidamadii saarnaa gaariga.

Buuralayada Galgala ayaa waxaa hore uga dhacay dagaalo ay isaga horyimaadeen ciidamada amniga ee Puntland iyo Al-Shabaab iyadoo qaar ka mid ah dagaalyahanadii ururka Alshabaab ay ku biireen ururka IS.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland waxana weerarkan miinada ah uu ku soo beegmay xilli ay ciidamada maamulka Puntland ay u diyaargaroobayaan weerar ay ku qaadaan magaalada Qandala oo ay dhowaan la wareegeen dagaalyahano taabacsan IS.

Buuraleyda Galgala ayaa ah meel ay saldhigyo u lahaayeen ururka Alshabaab iyagoo hore dagaalo halkaas ka dhacay ay geysteen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray ciidamada ammaanka Puntland iyo dagaalyahanada ururka Alshabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*