hh

Carlos Bacca oo qayb ka noqon doona Weerarka Kooxda Arsenal

Sida ay baahisay Jariirada The Sun, Kooxda Arsenal ayaa talaabo kale u qaadi doonta Weeriryahanka Kooxda AC Milan Carlos Bacca, ka hor bisha Janaayo.
Xiddiga heerka Caalami ee Wadanka Colombia Carlos Bacca ayaa waayo xun ku qaadanaya Kooxdiisa Milaano, tan iyo markii qiimo dhan € 30-million uu kaga soo tagay Kooxda Magaalo Xeebeedka gobolka Savillia ka dhasin ee Sevilla.
Tababaraha Kooxda Gunners Arsene Wenger ayaa diyaar u noqon doona in qiimo dhan £ 20-million uu ku nasaqi doono hishisska Cayaariyahanka, marka la gaaro bisha Janaayo, si uu qayb ugu noqdo Kooxdiisa.
30-sano jirka reer Colombia ee Bacca ayaa kal hore iska diiday u dhaqaaqista Kooxda Bariga Magaalada London kasoo jeeda ee West Ham United, hase ahaatee Macalin Vincenzo Montella ayaa laga yabaa in uu u ogolaado ku biirista Kooxda Emirates Stadium.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*