Gaas iyo guuleed

CADEYN: Dowladda Ethoipia oo sheegtay in laga heshiiyey Colaada Gaalkacyo

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay Heshiis hor dhac ah kala dhex dhigtay Maamulada Galmudug iyo Puntland oo ku Dagaalamay Magaalada Gaalkacyo islamarkaana Ciidamada Labada Maamul ay isku hor fadhiyaan Galbeedka Gaalkacyo.

War Qoraal ah oo la sheegay inuu ka soo baxay Wasaaradda Amuuraha Dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Heshiiska ay Garwadeenka ka tahay Itoobiya Labada Madaxweyne ee C/wali Maxamed Cali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed ay kuwada hadleen Qadka Taleefanka.

Mas’uuliyiinta Maamulada Galmudug iyo Puntland weli kama hadlin Warka sheegaya in Heshiis hor dhac ah ay wada gaareen.

Halkaan Hoose ka Akhriso Warqadda ka soo baxday Dowladda Itoobiya

itoobiya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*