beesha_caalamka-696x397

Beesha Caalamka oo soo dhaweysay doorashada Madaxda Hirshabeelle

Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Midowga Yurub (EU), Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, iyo Boqortooyada Midowday ee Britain ama Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay sida guusha leh ee lagusoo gunaanaday geedi-socodkii maamul u samaynta Maamulka HirShabelle ee dhowaan la unkay, waxayna u hambalyeeyeen Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Madaxweyne Kuxigeen Cali Cabdullaahi Xuseen oo iyagu qaaday mas’uuliyaddaas culus.

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamku waxay qireen dadaallada ay Dowladda Federaalka ah ku horumarinayso geedi-socodka maamul samaynta, waxaa kale oo ay qireen dowrka muhiimka ah ee hawl-fududaynta ah ee IGAD ka cayaartay geedi-socodkan.

Saaxiibada caalamku waxay maamulka HirShabelle ku dhiirri-geliyeen inay la hadlaan kooxihii aan ka-qaybqaadanin geedi-socodka maamul samaynta, lana xaqiijiyo ilaalinta masaalixda dhamaan beelaha [deegaanka]. Tani waa in lagu xisaabtamaa marka laga qaybqaadanayo geedi-socodka doorashada oo si loo wada dhanyahay loo helo metelaadda labada aqal. Dib u heshiisiin laga hirgeliyo dhamaan deegaanada HirShabelle ayaa muhiim u ah marxaladda hadda lagu jiro.

Saaxiibada caalamku waxay ku boorriyeen madaxda cusub ee HirShabelle inay hadda diiradda saaraan geedi-socodka doorasho ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Maamulka cusub wuxuu haystaa fursad uu ku muujiyo hogaamin isagoo u hogaansamaya xeerarka iyo habraacyada ay isla meel dhigeen madaxda Madasha Hogaanka Qaran. Saaxiibada caalamku waxay [sidoo kale] ugu baaqeen madaxda Maamulka inay xaqiijiyaan in ugu yaraan 30% kuraasta loo qoondeeyay HirShabelle ee labada aqal, Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka loo qoondeeyo [oo loo daayo] haweenka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*