capture

Baarlamaanka Somalia oo maanta kulan Xasaasi ku yeelanaya Muqdisho

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa iney ku kulmaan magaalada Muqdisho,waana kulankoodii Labaad ay yeeshaan tan iyo markii la soo doortay.

Waxaana muhiimada kulanka maanta lagu sheegay in Xildhibaanada ay magacaabaan Guddiga ka shaqeyn doona doorashada madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka.

Sidoo kale,Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta shaacin doona waqtiga la qabanayo doorashada Labada Guddoon ee Labada Aqal Baarlamaanka iyo ku-xigeenadooda,kuwaasi oo howsha si rasmi ah ula wareega.

27-ka bishan ayaa Muqdisho lagu dhaariyay Xildhibanada Baarlamaanka,kuwaasi oo si rasmi ah xilka ula wareegay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*