ozil-arsenal-chelsea-premier-league_1bt9zc52qulxr1xqbuq6rgucby

Arsenal oo guul muhiima ka gaartay kooxda Chelsea

Kooxda Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates ku dubatay kooxda ay aadka u xafiiltamaan ee Chelsea, kaddib markii ay ku garaacday 3-0, iyadoo goolashaas ay dhasheen qeybtii hore ee ciyaarta.

Arsenal oo lixdii kulan ee u dambeysay aanay wax gool ah ka dhalin Chelsea ayaa caawa mar kaliya ku fur furatay, guushan ayaa siisay Tababare Arsene Wenger kalsooni iyo rajo, iyadoo u buuxsantay 20 sano oo uu Kooxda leylinayay.

Daqiiqadii 11aad Arsenal ayaa heshay goolkii hoggaanka, waxaana ku fara yareystay Sanchez oo si cajiib leh kaga dulqaaday goolhaye Courtious, kaddib markii uu ka faa’ideystay qalad uu galay Cahill oo kubad aan dhameystirneyn u baasay saaxibkiis, balse Sanchez ayaa meel cidle ah ka dafay, shabaqana ku hubsaday.

Saddex daqiiqo kadib Arsenal ayaa gool labaad ah dhalisay, waxaa uu ahaa mid si aad ah looga soo shaqeeyay, waxaana shabaqa ku hubsaday Theo Walcott.

Qeybta hore ayaa ku idlaatay 3-0 oo ay Arsenal ku hoggaamineysay, waxaana markii qeybta labaad la isku soo laabtay labada kooxood ayaa wax goolal ah iska dhalin waayay, balse fursado dhowr ah iska khasaariyay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*