sheegow

(ARAG SAWIRADA): Al-shabaab Generaal laga dhigay oo dad ku laayay deegaanka Xawaadley

Wararka saakay naga soo gaarayo Yuulada Towfiiq oo hoostaga deegaanka Xawaadley ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xaalad deganaasho ah laga dareemayo ka dib dagaalkii shalay halkaasi ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan Dowladda Somalia.

Ciidamada wada dagaalamay ayaa waxaa hogaaminayo Labo sarkaal oo ka tirsan ciidamada Xooga,kuwaasi oo si micno-daro ah ku daadinaya dhiiga shacabka ah.

Mid ka mid ah Saraakiisha hogaamineysa ciidamada dagaalamaya ayaa lagu magacaabaa Maxamuud Xaaji Axmed Cali (Sheegow),oo ka soo jeeda Beesha Shiidle,waxaana sarkaalkaan loogu caleema saaray Generaal “ Waa markii ugu horeysay Taariikhda Caalamka sarkaal la caleema saaro”.

Sarkaalkaan oo lagu naaneeso ayaa horay uga soo goostay ururka Al-shabaab ee ka dagaalamayay Gobolka Sh/dhexe isaga iyo ciidamo badan uu wato,kaasi oo wata tababar casri ah uu ka soo qaatay Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa isku raacay in Sarkaalkaasi lagu qanciyo dalacsiin,maadama Beeshiisa ay ku qaday saami qeybsigii maamulka Hirshabelle.

Waa Sarkaal aad u tababaran,waxaana inta badan uu jooga furumaha dagaalka,waana nin geesi wata ciidamo badan.

Shacab badan ayaa had aka barakacaya deegaanka dagaalada ay ka dhaceen,kuwaasi oo ka baqaya in mar kale dagaalka uu soo noqdo. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*