meeyd

AMISOM oo lagula xisaabtamayo Xasuuqii Sh/hoose & Guddi loo saaray..

Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose ee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay iney sameeyeen guddi baaritaan xaqiiq raadin ah ku sameeya dad shacab ah oo AMISOM ay ku xasuuqeen Gobolkaasi.

AMISOM ayaa habeen Hore Baasuuge ku dhufatay Gaari ay saarnaayeen 6 qof shacab ah oo khudaar u siday Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Sidoo kale AMISOM waxaa lagu eedeeyay in habeen hore ay ku dileen degaanka Ceel Wareegow Hooyo iyo sidoo kale caruurteeda.

Markii ay soo shaax baxday arintaan naxdinta leh ayuu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose in si deg deg ah ula kulmeen Saraakiisha Ciidamada AMISOM.

 

Dhacdooyin kala duwan oo ay dadka ka naxeen ayaa shalay ilaa iyo habeen hore ka dhacay Gobolka Sh/hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*