amisom-2-696x450

AMISOM oo ka warbixisay Howlgallo ay Ciidamadooda ka sameeyeen Shabeelaha Hoose

AMISOM ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay howlgallo ay ka sameeyeen gobolka Sh.Hoose.

War ka soo baxay Taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in howlgallo ay ka sameeyeen Degaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay ku Dileen ugu yaraan 7 Dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Sidoo kale  AMISOM  ayaa shaacisay in ay dhaawaceen ilaa iyo 9 kale oo ka mid ah Xarakada Al Shabaab.

Waxaana ay meesha ka saareen in Howlgalkooda ay ku dhibaateeyeen Shacabka degan deegaanka Bariire ee Howlgalka ay ka sameeyeen

Dhawaan ayaa waxaa soo ifbaxayay warar la xiriira in Ciidamada AMISOM duqeymo ay ka geysteen Deegaanka Bariire ay ku dileen Aabo iyo Caruur uu dhalay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*