doorashada-aqalka-hoose-ee-baarlamanka-somalia-oo-garoowe-ka-bilaabmay-2016-100x75

Amaanka Muqdisho oo la adkeeyay & 3-xildhibaan oo la dooranayo

Waxaa la adkeeyay amaanka xarunta Gaadiidka Booliska degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir,halkaasi oo ay maanta Axad ah ka dhaceyso doorashada 3-Xildhibaan oo Aqalka hoose ee Beelaha dega Gobolada Waqooyi.

Xubnaha tartamaya waxaa ku jira Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ahayd wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Ridwaan Xirsi Maxamed oo ahaa wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa sheegay in Beelaha Kuraasta maanta la dooranayo ay kala yihiin.

Beesha Habar Yoonis: 2-kursi

Beesha Carab: 1-kursi

Todobaadkaan gudihiis ayaa la filaa iney dhacdo doorashada Aqalka sare ee Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*