maxresdefault-1-1-768x456

Al Shabaab oo markii ugu horeysay fariin culus u diray Hirshabelle (AKHRISO)

Ururka Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Maamulka Hirshabelle  oo ka arimiya Degaanada iyo Degmooyinka dhaca Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe.

Guddoomiyaha Ururka Al Shabaab u qaabilsan Gobolka Sh.Dhexe, Sheekh Yuusuf Kaba-kutukade ayaa waxuu shaaca ka qaaday in Maamulka Hirshabelle uusan waxba u dhimi doonin howlgalladooda.

Waxuu sheegay in Xoogaga Al Shabaab ay weli gacanta ku hayaan Degaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Sh.Dhexe, islamarkaana marka ay talaabo adag ka qaadi doonaan Xubnaha ku jira Maamulkaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu shaaca ka qaaday in Dowladdaha Reer Galbeedka ay doonayaan in Dowladdo badan ay ka dhisaan Dalka Soomaaliya.

Waxuu ku tilmaamay Dowlad Goboleedyada mid lagu kala qeybinayo Umadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyahan ayaa waxuu shaaciyay in tusaalaha ugu wanaagsan loo soo qaadan in Dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacayay Magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiye Kaba-kutukda ayaa waxuu soo hadal qaaday in Dagaal yahanada Al Shabaab ay marwaliba jidka u galaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ugu dambeyn, waxuu cod dheer ku sheegay in ay ku xooan yihiin Degaanada hoostaga Gobolka Sh.Dhexe ee Koonfurta Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*